Wadooyinka Qaar Muqdisho Oo Saaka Xiran

 

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay xireen wadooyin muhiim ah oo ku yaalla Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho, iyaga oo u diidaya inay isticmaalaan Gaadiidka dadka Shacabka ah ay wataan.

Wadooyinka xiran ayaa waxaa ka mid ah wadada Wadnaha iyo dhamaan wadooyin ka ku teedsan Xarunta Janeraal Kaahiye ee Magalada Muqdisho,halkaas oo Maanta lagu qabanayo Munaasabad lagu furayo kal-fadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka.

Ciidamada ayaa taagan Isgoysyada waaweyn ee Magalada muqdisho,waxaana ujeedada wadooyinka loo xiray lagu sheegay in Munaasabada furitaanka kal-fadhiga 5aad ee Golaha Shacabka ay ka qeyb galayaan madax uu ka mid yahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ammanka Guud ee Magalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyey,waxana la arkayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo dib u celinaya Gaadiidka dhinaca wadada ku teedsan wadnaha kasoo galgudbaya,waxaana dadka badi ay yihiin kuwo lugeynaya.