Wadooyinka Ugu Muhiimsan Magaalada Muqdisho oo Saaka xiran

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay saq dhexe waxa ay xireen wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, maadaama maanta lagu balansan yahay kulanka Baarlamaanka oo xiisad siyaasadeed wata.

Kulanka Baarlamaanka ayaa saakay lagu balansan yahay xarunta Golaha Shacabka 09:00 subaxnimo, waxaana looga hadlayaa laba Ajande oo kala duwan, kuwaasi oo kala ah Mooshinka Jawaari iyo arrinta xuduuda ee Soomaaliya & Kenya, iyada oo laga cabsi qabo in ay dhacaan falal ka baxsan amniga.

Ciidamo cusub oo laga soo bixiyay xerooyinkooda ayaa lagu soo daadiyay Isgoysyada Magaalada, kuwaasi oo wata Hubka culus, waxayna taagan yihiin Isgoysyada Magaalada, waxayna ku jira feejignaan dheeri ah.

Isgoysyada saakay xiran ayaa waxaa ka mid ah Digfeer, KPP, Bakaaraha, Hawlwadaag, Foloransa, Tarbuunka, Sayidka, Shaqaalaha iyo Isgoyska Dabka, iyada oo sidoo kale ay jiraan wadooyin kale oo xiran.

Gaadiidka ay saaran yihiin dadka shacabka ah ayaanan isaga kala gudbi karin Isgoysyada Magaalada gudaheeda, waxayna isticmaalayaan qaarkood wadooyinka qarda jeexa ah, halka qaarka kalena ay maanta sameeyeen shaqo joojin.

Gaadiidka rayidka ayaa loo diidayaa dhamaan Isgoysyadan inay maraan, kaliya waxaa loo ogol yahay kuwa ay wataan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo weliba Gaadiidka Ciidamada si buuxda loo hubinayo.

Isgoysyada Magaalada waxaa lagu jaray Gaadiidka Cabdi Bilaha oo ay hor fadhiyaan Ciidamo wata qoryaha cul culus oo uu ka mid yahay 7-ka, xitaa waxaa jirta in dad shacabka ah lugtooda in ay ku maraan loo diidayo wadada u dhaxeysa Dabka ilaa Madaxtooyada.

Hareeraha wadooyinka waxaa taagan oo xirnaanshaha wadooyinka uu saameeyay shacab aad u fara badan oo dano kala duwan lahaa, waxaana shacabka wadooyinka taagan ay isugu jiraan Arday, dad shaqo tag ah, dad dalka ka duulaya oo Garoonka dhankiisa aadi lahaa iyo dadka qaarkood oo booqanaya ama sahay u sida eheladooda oo ka xanuunsan, kuna jira Isbitaalada.

Tani ayaa ah dhibaato ay la kulmaan dadka ku nool Magaalada Muqdisho, balse ma jirto cid wax iska waydiisa raali gelinta Bulshada ee ku aadan wadooyinka ay maraan.