Wafdi heer sare ah oo gaaray Dhuusamareeb si ay uga qaybgalaan Shirweynaha Bani’aadannimada.

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada dalka ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug, halkaas oo lagu wado in maalinta Khamiista uu ka furmo Shirweynaha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya.

Wafdigan ayaa waxaa ka mid ah Senator Layla Ismaaciil Axmed iyo Wasiirka Gargaarka ee Koonfur Galbeed, Cabdirinaasir Cabdi Caruush, kuwaas oo magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyeen Wasiirka Gargaarka Galmudug ee xilka banneynaya, Cabdiraxmaan Makaawi, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Galmudug.

Imaatinka wafdigan ayaa qayb ka ah qabanqaabada iyo diyaar-garowga shirweynaha oo ay ka qaybgalayaan mas’uuliyiin ka kala socda hay’adaha dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, hay’adaha samafalka iyo dhinacyada kale ee ka shaqeeya arrimaha bani’aadannimada.

Wafdigan ayaa sidoo kale hordhac u ah wafdi kale oo la filayo inay saacadaha soo socda soo gaaraan magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo ka qaybgalaya shirweynaha oo muhiimad gaar ah u leh ka wada-shaqeynta iyo isku-duwidda gurmadka bani’aadannimo ee dalka.

Shirweynahan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa halku-dhiggiisu yahay: “U Diyaargarowga Musiibooyinka iyo Dhisidda U Adkeysiga, Xoojinta Gurmadka, Sugnaanta Biyaha iyo La-qabsiga Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya.”

Inta uu shirku socdo ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya, gaar ahaan saameynta ay abaaraha soo noqnoqda, fatahaadaha, biyo-yaraanta iyo isbeddelka cimiladu ku yeeshaan nolosha dadka Soomaaliyeed, kuwaas oo intooda badan noloshoodu ku tiirsan tahay xoolaha iyo beeraha.

Waxaa sidoo kale la filayaa in shirweynaha lagu falanqeeyo sidii loo xoojin lahaa diyaar-garowga hay’adaha dowladda iyo awoodda ay u leeyihiin inay si degdeg ah uga jawaabaan musiibooyinka dabiiciga ah, iyadoo la horumarinayo qorsheyaal wax-ku-ool ah oo lagu yareynayo khasaaraha naf iyo maal ee ka dhasha xaaladaha degdegga ah.

Qodobada kale ee muhiimka ah ee la filayo in shirka lagu falanqeeyo waxaa ka mid ah sugnaanta biyaha, horumarinta nidaamyada digniinta hore, xoojinta gurmadka degdegga ah, taageerada dadka nugul iyo sidii bulshooyinka Soomaaliyeed loogu dhisi lahaa awood ay kula qabsan karaan saameynta isbeddelka cimilada.

Sidoo kale, shirku wuxuu fursad u noqon doonaa in dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyadu ay yeeshaan wadatashi ku saabsan sidii loo mideyn lahaa dadaallada gurmadka, loona xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo ururrada samafalka ee ka howlgala Soomaaliya.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa martigelinaysa shirweynahan xilli ay Soomaaliya wajahaysa caqabado bani’aadannimo oo la xiriira abaaraha, biyo-yaraanta, barakaca iyo saameynta isbeddelka cimilada, iyadoo shirkan laga filayo in laga soo saaro talooyin iyo qorsheyaal lagu horumarinayo ka hortagga musiibooyinka iyo gurmadka dalka.