Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jarmalka oo booqasho shaqo ku yimid dalka, halkaas oo ay kulan kula yeesheen Madaxda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka oo uu hoggaaminayo Madaxa Xiriirka Dowladaha ee Fedaalka Booliiska Mudane Colonel Niels Zimmermann ayaa booqasho shaqo ku yimid dalka, halkaas oo ay kulan kula yeesheen Madaxda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) uu ugu horreeyo Agaasimaha Guud Mudane Mustafa Dhuxulow.
Booqashadan oo ka qabsoontay magaalada Muqdisho intii u dhaxaysay 21–22 Janaayo 2026, ayaa ujeeddadeedu ahayd xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah, is-dhaafsiga khibradaha, iyo horumarinta wada-shaqeynta dhinacyada maareynta socdaalka, sugidda amniga xuduudaha, horumarinta baasaboorka Soomaaliga iyo la dagaallanka socdaalka sharci-darrada ah.
IInta lagu gudajiray booqashada shaqo, wafdiga Jarmalka ayaa booqday Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde, halkaas oo ay si dhow uga indha-indheeyeen maareynta rakaabka imanaya iyo kuwa baxaya, khadadka koontaroolka 1aad iyo 2aad, hawlaha Qaybta Baarista Dukumentiyada iyo Fraud Detection Unit, iyo nidaamka guud ee maareynta xuduudaha, iyagoo si gaar ah u eegay dowrka HSJ ee sugidda amniga qaranka.
Agaasimaha Guud ee HSJ, Mudane Mustaf Dhuxulow ayaa wafdiga si rasmi ah u soo dhaweeyay, isaga oo si gaar ah uga mahadceliyay Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka aqoonsiga Baasaboorka Diblumaasiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo muujinaysa kalsooni iyo xiriir diblumaasiyadeed oo adag. Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale adkeeyay sida ay hay’addu uga go’an tahay xoojinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga caalamiga ah, isla markaana xoogga saartay is-dhaafsiga khibradaha, si loo dhiso hay’ad awood leh oo la jaanqaadaysa hay’adaha caalamiga ah.
Kulamada labada dhinac ayaa lagu gorfeeyay waajibaadka iyo qaab-dhismeedka HSJ, mudnaanta istiraatiijiyadeed ee hay’adda, iyo dadaallada la xiriira ka hortagga tahriibka dadka, dambiyada abaabulan, iyo socdaalka sharci-darrada ah ee dhulka, cirka, iyo badda. Sidoo kale, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay fursadaha iskaashi ee mustaqbalka, taageerada farsamo, is-dhaafsiga macluumaadka, iyo xoojinta awoodda shaqaalaha hay’adda.