Wafdi ka socda DF iyo qaar kamid ah Dowlad goboleedyada oo gaarey magaalada Kismaayo

Wafdi oo uu hoggaaminayo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa maanta gaarey magaalada Kismaayo ee caasimadda Kumeel gaarka ah ee Jubbaland.

Waxaa wafdigaan qeyb ka ah Xildhibaano ka tirsan BFS, Wasiirrada Ganacsiga iyo Warshadaha Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ee Hirshabeelle, Koonfur-galbeed, iyo Galmudug, SSC Khaatumo, iyo guddoomiyeyaasha Rugaha Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ee heer Federaal iyo heer dawlad goballeed.

Wafdiga ayaa ujeedkiisa yahay Hirgelinta hanaanka casriga ah ee diiwaangelinta ganacsiga Soomaaliya oo soo maray marxalado kala duwan, Jubbaland ayaana lagu daahfuri doona hanaanka diiwaangelinta ganacsiga Soomaaliya.

Waxaana daahfurka barnaamijkan uu daba socdaa iyada oo la fulinayo heshiiskii Dhuusamareeb 11-15 kii March, 2023 ay ku soo galeen Wasaaradaha Ganacsiga iyo Warshadaha heer Federaal iyo heer Dawlad goballeed.

Hanaankan casriga ah, ayaa ganacsatada u suurtogelinaya inay Shirkadahooda ku diiwaangashan karaan hab casri oo Internate ah,  iyaga oo jooga xafiisyaddooda taas oo kor u qaaday horumarkii iyo fududeyntii ganacsiga wadanka, dakhli abuurka iyo kobaca dhaqaalaha wadanka.