Wafdi ka socda dowladda Qadar oo soo gaaray Muqdisho

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Qorsheynta iyo maalgashiga caalamiga ah Fahmo Axmed Nuur ayaa Wafdigan Ganacasatada ah ee ka socda Dalka Qadar ku soo dhaweysay Maanta oo ah Axad Garoonka Aadan Cabdulle ee Magaalada Muqdisho.

Fahmo Axmed Nuur oo warbaahinta kula hadashay garoonka diyaaradaha Muqdisho kaddib marki ay soo dhaweysay ganacsatadaasi, ayaa sheegtay in ganacsatadan ka socota dalka Qatar ay dalka u yimaadeen sidii ay fursado maalgashi uga heli lahaayeen dalka .

Wasiirk Fahmo oo hadalkeeda sii wadata ayaa xustay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal dheeraad ah ku bixineyso sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha dalka, iyadoo intaasi ku dartay in dowladdu ay dhameystirtay shuruucda asalka u ah maalgashiga dalka.

Qaar ka mid Wafdiga oo la hadlay warbaahinta ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsanyihiin iney soo booqdaan xiligan Soomaaliya . Iyagoo sheegay iney u yimaadeen halkan sidii ay uga heli lahaayeen fursado maalgashi.