Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, kana kooban masuuliyiin sare oo ka kala socda hay’adaha dowladda, ayaa ka qeyb galay Shirka ID4Africa 2026 oo si rasmi ah uga furmay magaalada Abidjan ee dalka Côte d’Ivoire. Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminayay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde).
Wafdiga Soomaaliya waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa masuuliyiin ka socday NIRA, SPS, SBA iyo hay’ado kale oo dowladeed, kuwaas oo matalayay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan casriyeynta adeegyada dowladda iyo hirgelinta nidaamyada dhijitaalka ah ee casriga ah.
Shirka ID4Africa 2026 ayaa ah madal heer caalami ah oo diiradda lagu saarayo horumarinta nidaamyada aqoonsiga dhijitaalka ah, adeegyada dowladda ee casriga ah, iyo sidii dalalka Afrika ay u hirgelin lahaayeen hannaan aqoonsi oo ammaan ah, hufan isla markaana gaarsiin kara adeegyada muhiimka ah dhammaan bulshada. Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay wufuud iyo khubaro ka kala socday dowlado badan oo Afrikaan ah, hay’ado caalami ah iyo shirkado tiknoolajiyadeed oo hormuud u ah adeegyada dhijitaalka ah.
Ka qeyb-galka Soomaaliya ee shirkan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo Aqoonsiga Qaranka, kobcinta adeegyada dhijitaalka ah, iyo xoojinta awoodda dowladda ee bixinta adeegyo casri ah oo loo siman yahay. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mudnaan gaar ah siinaysa hirgelinta nidaamyo dhijitaal ah oo sare u qaadaya maamulka, amniga xogta iyo helitaanka adeegyada aas-aasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Sidoo kale, wafdiga Soomaaliya ayaa shirkan ka wada kulamo iyo wada-hadallo la xiriira xoojinta iskaashiga caalamiga ah, isdhaafsiga khibradaha, iyo soo jiidashada taageero farsamo iyo mid tiknoolajiyadeed oo lagu horumarinayo nidaamka aqoonsiga qaranka iyo adeegyada dhijitaalka ah ee Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta wafdiga hoggaaminaya ayaa xusay in Soomaaliya ay dadaal xooggan ugu jirto dhismaha nidaam aqoonsi qaran oo casri ah, kaas oo fududeyn doona helitaanka adeegyada dowladda, kor u qaadi doona hufnaanta maamulka, isla markaana door weyn ka qaadan doona horumarinta dhaqaalaha iyo amniga dalka.