Wafdi ka socda Eritrea oo gaaray Itoobiya

Wafdi heer sare ah oo ka socda dalka Eritrea ayaa maanta waxa ay  gaareen caasimadda Itoobiya ee Adis Ababa halkaaso labada dal ay wadahadallo uga furmayaan.

Wafdiggaan ayaa waxaa hoggaaminaya wasiirka arrimaha dibadda Cismaan Saalix iyo la taliyaha madaxweynaha Ertrea Yemane Gebreab.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa 5-ta bishan June shaaca ka qaaday inuu u hoggaansamayo islamarkaasna dhaqan gelinaya heshiiskii 2002-dii ay wada galeen Eritrea iyo itoobiya sii loo soo afjaro dagaalka xadka siiba magaalada ay ku muransan yihiin ee Badme.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Magaalada Badme ay ku wareejin doonaan Dowladda Ertrea.