Wafdi ka socda IOM oo kormeeray xarumaha Shabaab lagu dhaqanceliyo ee Baydhabo+sawiro

Wafdi ka socda Hay’adda IOM ee Qaramada Midoobey ayaa kormeeray xarumaha ku yaala Magaalada Baydhabo, ee lagu dhaqanceliyo xubnaha ka soo goosta  Al-Shabaab.

Wafdigan oo kormeerkoodan ay ku wehlinayeen Wasiir Kuxigeenka Amniga Koonfur Galbeed, C/risaaq Cabdi Aadan iyo Taliyaha Hay’adda NISA ee Baydbao, Maxamed Isaaq Ibraahim (Aflow) ayaa soo kormeeray qaybaha ay xarumahaan ka kooban yihiin.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya wafdigan intii ay kormeerka ku guda jireen inay wareysiyo la yeelanayeen Masuuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed ugu magacaaban xarumahaasi.

Wafdigan ayaa kormeerka ka dib waxay Magaalada Baydhabo kula kulmeen Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ahna Wasiirka Amniga, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay).

Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen, sidii lagu ballaarin lahaa xarumaha Shabaabka lagu dhaqancdeliyo ee ku yaala Xarunta KMG Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo, iyagoona isu waafaqay waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Hay’adaha Qaramada Midoobey ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada Dalka ka dhisan ka caawiya goobaha lagu dhaqanceliyo Shabaabka, kuwooda isa soo dhiiba.