Wafdi Ka Socda Itoobiya Iyo Ertriea Oo Soo Gaaray Magalada Muqdisho

Waxaa goordhow soo gaaray Magalada Muqdisho wafdi ka socda Dowlaha Itoobiya iyo Ertriea,iyada oo siweyn u soo dhaweeyeen wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirada Arrimaha Dibada labada Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu iyoWasiirka Arrimaha Dibada Ertriea Cusmaan Saalax.

Ammaanka Magalada Muqdisho ayaa maanta aad loo adkeeyay,waxana xiran inta badan Wadooyinka Waaweyn ee Magalada Muqdisho,waxana wafdigaan la kulmi doonaan Madaxda Dowladda Soomaaliya.

Wararka Dalsan ay heleyso ayaa waxa ay sheegayaan in wafdigaan hordhac u yihiin Madaxda Sare ee dalalka Itoobiya iyo Ertriea oo dhawaan imaan doonaan Magalada Muqdisho.