Wafdi ka socda Maamulka Somaliland Oo ku wajahan Deegaanka Tukaraq

Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylaci ayaa maanta ku wajahan degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland ayaa xaqiijiyay in sababta ay tahay in ay soo arkaan xaaladda ay ku sugan yihiin ciidamada Somaliland ee degaankaasi ku sugan.

Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Difaaca, Xildhibaano iyo Waxgarad.

Booqashadda Madaxweyne ku xigeenka ayaa kusoo beegmaysa xilli xiisad dagaal ay wali ka jirto degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Ciidamada Puntlad iyo Somaliland ayaa wali halkaasi isku horfadhiya, waxaana dowlada Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ay ku baaqeen in lala yimaado xal nabadeed.