Wafdi Ka Socda Qatar Oo Muqdisho U Yimid Maalgashi Ay Ku Sameyn Doonaan Dekadaha Baraawe & Hobyo

Mas’uuliyiintaan oo ka socotay Wasaaradda Dekadaha dowladda Qatar ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey Wasiirka dekadaha iyo Gadiidka Badda Soomaaliya iyo masuuliyiin ka socota Madaxtooyadad.

Ujeedada wafdigaan ayaa ahaa in ay sahmin iyo qiimayn ku sameeyaan qaar ka mid ah Dekadaha dalka taas oo qayb ka ah heshiisyo dhex maray dowlaha Soomaaliya iyo Qatar kadib booqashadii uu Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ku tagay maagaalada Dooxa ee dalka Qadar.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa xubnahaan ku qaabilay xafiiskiisa waxuuna uga mahadceliyey boqashada ay Muqdisho ku yimaeen, isagoo u sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo dhawaynayso cid kasta oo maalgashi ku samaynaysa dalka, iyadoo loo marayo habrac shariciga ee u yaalla Soomaaliya.

Wasiirka dekadaha iyo gadiidka Badda ee xukumadda Federalka Soomaaliya Marwo Maryan Aweys Jaamac oo warbaahinta qaranka kula hadashay xafiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u mahadcelisay wafdiga ka socda Qadar, waxaana ay sheegtay in labada waddan uu ka dhaxeeyo xiriir aad u wanaagsan.

Wafdigaan ka socda Dowladda Qatar ayaa waxa ay maalgashi ku sameyn doonaan dekado ay ka mid yihiin Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Hobyo ee Gobolka Mudug.