Maamulka Dekedda Muqdisho, oo uu hoggaaminayo Maareeyaha Guud Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameerika), isla markaana ay weheliyaan Maareeye Ku-xigeennada Dr. Cali Xaaji Maxamed iyo Eng. Ismaaciil Aw Muuse, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Turkiga iyo shirkado waaweyn oo ku takhasusay kalluumeysiga iyo horumarinta dhaqaalaha badda.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta hirgelinta mashruuca kalluumeysiga ee ay hore heshiiska uga gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo la filayo inuu sare u qaado ka faa’iideysiga kheyraadka badda Soomaaliya, abuuro fursado shaqo oo cusub, isla markaana xoojiyo wax-soo-saarka iyo dhoofinta kalluunka.
Mas’uuliyiinta Dekedda Muqdisho ayaa wafdiga Turkiga la wadaagay qorshayaasha ku aaddan horumarinta adeegyada dekedda iyo sidii loo diyaarin lahaa kaabeyaasha lagama maarmaanka u ah hirgelinta mashruuca. Waxay sidoo kale adkeeyeen sida ay uga go’an tahay maamulka dekeddu in uu fududeeyo dhammaan howlaha la xiriira maalgashiga iyo mashaariicda horumarineed ee la filayo inay dalka ka hirgalaan.
Dhankooda, xubnaha wafdiga Turkiga iyo shirkadaha kalluumeysiga ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay maalgelinta iyo hirgelinta mashruucan, iyagoo xusay in Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer Afrika iyo kheyraad badeed aad u ballaaran oo u baahan in si casri ah looga faa’iideysto.
Intii uu kulanku socday kaddib, wafdigu wuxuu booqasho ku tagay qaybaha kala duwan ee Dekedda Muqdisho, halkaas oo ay u kuurgaleen kaabeyaasha jira, goobaha lagu fulin doono mashruuca iyo adeegyada dekeddu bixiso. Booqashadaasi waxay qayb ka ahayd qiimeyn farsamo oo lagu hubinayo heerka diyaar-garowga dekedda si mashruuca loo bilaabo.
Mashruucan ayaa lagu tilmaamayaa mid muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha buluugga ah ee Soomaaliya, kordhinta dakhliga dalka, horumarinta warshadaha kalluumeysiga, iyo xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta soo jiidashada maalgashi shisheeye oo ka qeyb qaata horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka.