Wafdi ka socdo Dowladda Maraykanka oo maanta gaaray Ceel-dheer.

Degmada Ceeldheer ee Gobalka Galgaduud waxaa maanta gaaray wafdi ka socda Howlgalka Mareykanka ee Africom.

Saraakiishaan ciidamada Maraykanka ah ee gaaray Ceel-dheer waxaana halkaas ku so dhaweeyay Saraakiisha ciidamada Dowlada Federal Soomaaliya ee halkaas ku sugnaa

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in maalmaha so aadan uu tagidoono Degmooyinka Ceeldheer, Masagawey, Xarardheere iyo Galcad Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ee dhawaan lamagacaabay Ibraahim Sheikh Maxyidiin si loo sii dardar galiyo Howlgalka wajiga 2-aad ee ka dhan ka ah Kooxda maleeshiyaad Alshabaab.