Wafdi ka tirsan Saraakiisha Sare ee Ciidanka Mareykanka oo booqasho ku yimid Hargeysa.

Wafdi heer sare ah oo ka tirsan saraakiisha Ciidanka Mareykanka ee ku sugan Bariga Afrika ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Hargeysa, halkaas oo ay kulan muhiim ah kula yeesheen Madaxweynaha Somaliland,Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Mareykanka, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo nabadgelyada gobolka Geeska Afrika. Madaxweynaha Somaliland ayaa wafdiga Mareykanka siiyay warbixin dhammaystiran oo ku saabsan xaaladda amni ee dalka, isaga oo muujiyay sida Somaliland uga go’an tahay in ay sii xoojiso wada-shaqeynta ay la leedahay saaxiibadeeda caalamiga ah.

Saraakiisha Mareykanka ayaa ku ammaanay Somaliland dadaalka ay ku bixisay xasiloonida, nabadda iyo doorarka ay ka ciyaarayso sugidda amniga gobolka Geeska Afrika. Waxa ay sidoo kale muujyeen diyaar garowgooda ku aaddan in ay Somaliland ka taageeraan dhinacyada tababarrada ciidanka iyo horumarinta awoodda amniga.

Booqashadan ayaa noqonaysa mid muhiim u ah xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Somaliland iyo Mareykanka, iyada oo ay labada dhinacba muujiyeen in ay ka go’an tahay sii wadidda wada-hadalka iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo horumarka.