Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, oo hoggaaminaya wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo booqasho shaqo ku jooga dalka Tanzania, ayaa magaalada Dodoma lagu soo dhaweeyey, halkaas oo uu kulan heer sare ah kula yeeshay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Tanzania, Mudane Ridhiwani Kikwete.
Kulanka labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray khibrad-wadaagga iyo iskaashiga dhinacyada dib-u-habaynta adeegga dadweynaha, maamulka iyo maaraynta shaqaalaha dowladda, iyo sidii loo horumarin lahaa nidaamyada casriga ah ee lagu maamulo hay’adaha dowladda.
Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay shaqaaleysiinta ku saleysan kartida, tartanka iyo hufnaanta, iyadoo la isla eegay muhiimadda ay leedahay in shaqaalaha dowladda lagu xusho aqoon, xirfad iyo karti, si loo helo adeeg dowladeed oo tayo leh oo si wanaagsan uga jawaaba baahiyaha shacabka.
Sidoo kale, kulanka waxaa lagu gorfeeyey nidaamyada casriga ah ee maaraynta waxqabadka dowladda, isla-xisaabtanka hay’adaha, horumarinta hoggaaminta iyo casriyeynta hannaanka maamulka shaqaalaha dowladda.
Wasiirrada ayaa is dhaafsaday khibrado iyo aragtiyo ku saabsan hababka ay labada dal u wajahayaan dib-u-habaynta adeegga dadweynaha, iyadoo Soomaaliya ay ka faa’iideysanayso waayo-aragnimada Tanzania ee dhinacyada maamulka hay’adaha, shaqaalaha dowladda iyo horumarinta nidaamyada waxqabadka.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey fursadaha lagu sii xoojin karo xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Tanzania, gaar ahaan dhinacyada horumarinta awoodda hay’adaha dowladda, kobcinta xirfadaha shaqaalaha, hoggaaminta iyo maamulka waxqabadka.
Intaas kaddib, wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qaybgalay kulan aqoon iyo khibrad-wadaag ah oo si gaar ah looga hadlay Arrimaha Golaha Wasiirrada iyo Casriyeynta Xoghaynta Golaha Wasiirrada.
Kulankaasi ayaa lagu soo bandhigay khibradda Tanzania ee ku saabsan habraacyada shaqada Golaha Wasiirrada, diyaarinta iyo maamulka dukumentiyada, maaraynta ajandayaasha iyo habka loo dabagalo go’aannada Golaha Wasiirrada.
Waxaa sidoo kale laga wada hadlay nidaamyada lagu la socdo fulinta go’aannada Golaha Wasiirrada, casriyeynta iyo danabaynta habraacyada shaqo iyo sidii loo xoojin lahaa isku-duwidda u dhexeysa wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda.
Wafdiga Soomaaliya ayaa fursaddan uga faa’iideysanaya sidii loo baran lahaa hababka casriga ah ee maamulka dowladda iyo adeegga dadweynaha, iyadoo khibradaha laga helayo Tanzania ay qeyb ka noqon karaan dadaallada lagu xoojinayo dib-u-habaynta hay’adaha dowladda Soomaaliya.
Booqashada wafdiga Soomaaliya ee Tanzania ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu ballaarinayo iskaashiga labada dal iyo xoojinta xiriirka dhinacyada maamulka, horumarinta hay’adaha dowladda iyo kobcinta awoodda shaqaalaha rayidka ah.
Labada dhinac ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay in la sii wado is-dhaafsiga khibradaha iyo aqoonta, si loo horumariyo adeegga dadweynaha, loo xoojiyo hufnaanta hay’adaha dowladda, loona dhiso nidaam maamul oo casri ah oo ku saleysan karti, isla-xisaabtan iyo waxqabad.