Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo booqasho ku jooga dalka Morooko ayaa kulamo la yeeshay hay’ado iyo wasaarado kala duwan oo dalkaas ah, kuwaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, tamarta, macdanta, batroolka, biyaha iyo beeraha.
Kulamadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu ballaarinayo xiriirka Soomaaliya iyo Morooko, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadlayaan sidii loo horumarin lahaa iskaashiga farsamo, loo kobcin lahaa aqoonta shaqaalaha Soomaaliyeed, loona abuuri lahaa fursado cusub oo maalgashi iyo horumar dhaqaale.
Wafdiga Soomaaliya ayaa kulamo la yeeshay Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah ee Morooko, Hay’adda Tamarta Qorraxda ee MASEN, xafiiska qaabilsan macdanta iyo haydaroojiinta, iyo Wasaaradda Beeraha ee dalkaas. Kulamadan ayaa lagu falanqeeyay fursadaha ay hay’adaha Morooko uga taageeri karaan Soomaaliya horumarinta khayraadka dabiiciga ah iyo kobcinta wax-soo-saarka dalka.
Dhinaca tamarta, waxaa si gaar ah looga hadlay sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa horumarinta tamarta laga dhaliyo qorraxda iyo dabaysha, si loo ballaariyo helitaanka korontada, loona dhiirrigeliyo isticmaalka ilaha tamarta nadiifka ah. Hay’adda MASEN ayaa ballanqaadday inay Soomaaliya kala shaqayn doonto horumarinta mashaariicda tamarta qorraxda iyo dabaysha, taas oo fursad u noqon karta xoojinta awoodda wax-soo-saarka tamarta ee dalka.
Sidoo kale, kulamada la xiriira macdanta, batroolka iyo haydaroojiinta ayaa diiradda lagu saaray iskaashi farsamo, tababbarro iyo kobcinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha Soomaaliyeed. Arrimahan ayaa muhiim u ah dadaallada lagu horumarinayo ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya, iyadoo loo marayo aqoon, waayo-aragnimo iyo farsamooyin casri ah.
Dhanka beeraha, wafdiga Soomaaliya iyo masuuliyiinta Morooko ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta labada dal, gaar ahaan horumarinta wax-soo-saarka beeraha iyo is-weydaarsiga aqoonta. Waxaa sidoo kale la isla qaatay in wasaaradaha beeraha ee labada dal ay ka wada shaqeeyaan diyaarinta heshiis is-afgarad oo saldhig u noqonaya iskaashi dheeraad ah oo dhinaca beeraha ah.
Wafdiga Soomaaliya waxaa qayb ka ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdullaahi Xayir Ducaale, agaasimayaal, maareeyayaal iyo masuuliyiin kale oo ka socda wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda, iyo ururrada bangiyada dalka.
Ka-qaybgalka masuuliyiin ka kala socda hay’adaha dowladda iyo ururrada bangiyada ayaa muujinaya baaxadda dhinacyada laga doonayo in laga horumariyo iskaashiga labada dal, iyadoo la eegayo fursadaha ka jira tamarta, khayraadka dabiiciga ah, beeraha iyo maalgashiga.
Morooko ayaa kulamadan uga qayb qaadanaysa dhinacyada ay ku leedahay aqoon iyo waayo-aragnimo, halka Soomaaliya ay raadineyso iskaashi gacan ka geysta horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, kor u qaadista xirfadaha shaqaalaha iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dalka.
Iskaashiga noocan ah ayaa Soomaaliya u abuuri kara fursado ay ku hesho tababbarro farsamo, aqoon-is-weydaarsi iyo taageero lagu horumarinayo mashaariicda muhiimka u ah dhaqaalaha dalka. Sidoo kale, heshiisyada laga gaaro kulamadan ayaa saldhig u noqon kara wada-shaqeyn waqti dheer ah oo labada dal uga faa’iideystaan khibradaha iyo fursadaha ay kala leeyihiin.
Kulamadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya iyo Morooko, iyadoo la doonayo in xiriirka labada dal loo beddelo mashaariic wax ku ool ah oo wax ka tara horumarinta dhaqaalaha, kobcinta wax-soo-saarka iyo abuurista fursado cusub oo maalgashi.