Wafdi uu hogaaminayo Xildhibaan Dhakow oo dhagax-dhigay XaruntaDeegaanka Lajiide oo hoos tagta Degmada Xeraale ee G/Galgaduud.

Wafdi uu hogaaminayo Xildhibaan Dhakow ayaa dhagax dhigay xarunta deegaanka Lajiide oo hoos timaada degmada Xeraale. iyadoo qarashkii lagu bilaabayna lagu wareejiyay gudoomiyaha deegaanka.

Xildhibaan Dhakow ayaa ku wareejiyay Gaadhi Ambalaas ah oo ay ugu talagaleen qurbajoogta iyo madaxda in loogu adeego xarunta caafimaadka ee deegaanka lajiide .

Guddoomiyaha degmada iyo bulshada deegaanka ayaa uga mahadceliyey Xildhibaan Cabdulqaadir Dhakow dadaalka dheeriga ah ee uu muujiyay iyo rajada wanaagsan ee uu u abuuray in dhalinyarada gobolka ay helaan xarumo Isboorti iyo adeegyo caafimaad si loo gaaro nabadda iyo is dhexgalka bulshada Galmudug