wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo gaaray kismaayo

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland Axmed Xasan Cumar ayaa maanta Magaalada Kismaayo ku soodhaweeyey wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan.
Wafdigaan ayaa hordhac u ah Wafuud kala duwan oo ay ka mid yihiin Raisulwasaare ku-xigeenka dalka mudane Saalax Axmed Jaamac, Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) iyo Wasiirada Wasaaradaha Gargaarka Dowladd Goboleedyada dalka oo la filayo in ay gaaraan Magaalada Kismaayo oo 5-ta bishan June uu ka furmi doono Shirka Madasha Gargaarka Dalka.