Wafdi uu Hoggaaminayo Jenaraal Kaniif oo Si Heer Sare ah Loogu Soo Dhaweeyey Hobyo

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Taliye ku-xigeenka Booliska Soomaaliyeed, Jenaraal Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif), ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyey degmada Hobyo ee gobolka Mudug, halkaas oo ay ku qaabileen masuuliyiin heer gobol iyo heer degmo ah, saraakiil ciidan, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ujeedka safarka wafdiga ayaa la xiriira xoojinta amniga, dardargelinta wada shaqeynta hay’adaha ammaanka, iyo kormeer guud oo lagu qiimeynayo xaaladda degmada Hobyo iyo deegaannada ku xeeran. Intii ay socotay soo dhaweynta, masuuliyiinta deegaanka ayaa sheegay in booqashada wafdigan ay muhiim u tahay adkeynta nabadgelyada iyo taageeridda howlaha ay ciidamada ammaanku ka wadaan gobolka Mudug.

Jenaraal Kaniif ayaa kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada iyo maamulka degmada, isagoo ku bogaadiyey dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida deegaanka. Sidoo kale wuxuu shacabka Hobyo ku dhiirrigeliyey inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si loo sii xoojiyo nabadda iyo horumarka degmada.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah socdaallo ay saraakiisha sare ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed ku marayaan deegaanno kala duwan oo dalka ah, kuwaas oo lagu xoojinayo amniga iyo wada shaqeynta bulshada iyo hay’adaha dowladda.