Wafdiga ka socday DDS oo kulamo ka wada Beledweyne

Wafdiga ka socday Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Shalay soo gaaray Magaalada Beledweyne ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo mas’uuliyiin kale.

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, Wasiirka Madaxtooyada Hirshabelle Cabdullahi Maxamed Cadoow Wasiirro kale oo hirshabelle kamid ah saraakiil iyo masuuliyiin kamid ah Maamulka Gobolka Hiiraan.

Masuuliyiinta dowlad deegaanka kasocday ayaa ballan qaaday in aay ka shaqeyn doonaan amniga is dhaxgalka iyo horumarka dadka dowlad deegaanka degan iyo kuwa Hirshabelle gaar ahaan gobolka Hiiraan ayna dhameyn doonaan Shaqaaqooyinka dhawaan ka dhacay deegaanno xuduud beenaadka gobolka hiiraan uu la wadaago ismaamulka soomaalida.