Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Cabdulkadir Faarax, oo hoggaaminaya wafdi heer sare ah oo ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga, ayaa magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga ku soo gabagabeeyey kulamo shaqo oo muhiim ah oo ay la yeesheen madaxda ugu sarreysa ee Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga iyo sidoo kale madaxda shirkadaha waaweyn ee warshadaha difaaca ee kala ah ASELSAN, HAVELSAN, iyo MKE.
Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada horumarinta ciidamada qalabka sida, tayeynta tababarada, casriyeynta qalabka militariga, iyo kor u qaadidda awoodda difaaca qaranka. Labada dhinac ayaa isla falanqeeyey fursadaha cusub ee iskaashi, iyagoo isla gartay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo mashaariicda wadajirka ah ee wax ku oolka u ah dib-u-dhiska iyo horumarinta hay’adaha amniga Soomaaliya.
Wafdiga Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee booqashadan ku weheliyey Xoghayaha Joogtada ah ayaa ka koobnaa Agaasimayaal Guud, Agaasimayaal Waaxeedyo, Madax-Qaybeedyo, iyo la-taliyeyaal kala duwan oo ka tirsan Wasaaradda, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay wadahadallada iyo is-weydaarsiga fikradaha. Sidoo kale, wafdiga waxaa ku weheliyey mas’uuliyiin ka socday Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Turkiga, kuwaas oo fududeeyey isku xirka iyo habsami u socodka kulamada.
Intii ay ku sugnaayeen Ankara, wafdigu waxa ay booqdeen xarumaha shirkadaha difaaca ee ASELSAN, HAVELSAN, iyo MKE, halkaas oo ay ku soo arkeen horumarka tiknoolajiyadda casriga ah ee ay shirkadahani ku sameeyeen qalabka iyo adeegyada difaaca. Waxay sidoo kale warbixinno faahfaahsan ka dhageysteen khubarada shirkadahaas oo ku saabsan wax soo saarkooda, nidaamyada ay adeegsadaan, iyo sida ay uga qeyb qaadan karaan taageeridda baahiyaha difaaca ee Soomaaliya.
Gunaanadkii kulamadan, labada dhinac ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyagoo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay iskaashi waara oo ku saleysan kalsooni, is-ixtiraam, iyo dan wadaag. Safarkan shaqo ayaa la filayaa inuu horseedo tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu xoojinayo awoodda difaaca Soomaaliya iyo horumarinta hay’adaha amniga qaranka.