Wafti Kasocda Dowlada Ingiriiska oo Gaaray Magaalada Baydhabo

Wafti uu Hugaaminaayo Safiirka Dowlada Ingiriiska Ufadhiya Soomaaliya Ayaa Maanta Gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG u ah Maamulka KGS
Danjiraha ayaa la Kulmey Madaxweynaha maamulka koofur galbeed soomaaliya
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Danjiraha Dowladda Ingiriiska ufadhiya Soomaaliya Mike Nithavrianakis iyo wafdi uu Hoggaaminayey oo maanta Safar shaqo ku gaaray Magaalada Baydhabo.
Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay Amniga guud ee Deegaanada Koonfur Galbeed, Taageerida dagaalka lagula jiro Khawaarijta, Wax ka qabashada Abaaraha iyo sidii loo Dardar-gelin lahaa Mashaariicda Dowladda Ingriiska ay Waddo Deeganada Koonfur Galbeed.
Socdaalka Waftigaan ay ku Gareen Magaalada Baydhabo ayaa kusoo aadaya Xili uu Madaxweynaha Maamulkaasi Wajahaayo Dhaleecayn la xariira Arimaha Doorashada oo lasheegay inuu Xagal Daacinaayo ismarkaana uusan doonayn inuu Qabto Doorasho