Wafti kasocda dowlada oo Soo gaaray Galmudug

Wasiirka Beeraha & Waraabka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa faah-faahin ka bixiyay safarka Wasiirrada labada heer ee Wasaaraddaas ay ku tagayaan Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ujeedka Socdaalkooda kusoo koobay mid ay ugu kuurgalayaan tacbashada Beeraha ee Dowlad-Goboleedka Galmudug.