Wakiilka QM iyo Gudoonka aqalka Sare oo ka wada hadlay Khilaafka siyaasadeed ee dowaldda & Maamul Gobaleedyada u dhaxeya

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa maanta xafiikiisa kula kulmay Wakiilada gaarka ah ee Qaramada Midoobay  u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom iyo Wakiilka gaarka ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira ,kuwaasi oo uu kala hadlay xaaladda Soomaaliya iyo waliba xalinta Khilaafka Xukuumadda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka.

  1. Xoghayaha Guud ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Maxamed Jaamac ayaa warbaahinta u sharxay waxyaabaha looga hadlay kullanka.

” Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare iyo Wakiilada Qaramada Midoobe iyo Midowgga Afrika u qaabilsan Soomaaliya waxay ka wada hadleeen sidii loo dajin lahaa xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya”ayuu yiri Xogahaya.

Waxaa kale ee uu yiri Xoghayaha Guud ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Maxamed Jaamac”waxaa laga wada hadlay sidii shaqada Aqalka Sare uu haayo loo taageeri lahaa iyo sidii xal waara loogu heli lahaa khilaafka taagan iyadoo sidoo kale gudoomiyaha Aqalka Sare uu warbixin ka siiyay shaqada Aqalka sare uu soo qabtay”.