Wakiilka QM Oo gaaray Garowe

Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Puntland,waxaa Maanta gaaray oo lagu soo dhaweeyay Ergayga Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom.

Soo dhaweyn kadib  Mr Haysom ayaa waxa uu kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Puntland Cabduwali Maxamed Cali Gaas, waxaana labada mas’uul ay ka wada hadleen khilaafka Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.

Kulanka ayaa sida aan wararka ku heleyno waxaa ay isku afgarteen in meesha laga saaro mad madowga Siyaasadeed ee soo kala dhex galay dowladda iyo Dowlad goboleedyada.

Qodobada ay sidoo kale isla soo qaadeen ayaa waxaa ka mid ah xiisada dagaal ee gobolka sool gaar ahaan deegaanka Tukaraq taas oo u dhaxeysa Maamulada Puntland iyo Soomaaliland oo horay u wada dagaalamay.

Ergayga Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa maalmahaan waday kulamo uu la qaadanayo Madaxda Dowlad goboleedyada six al looga gaaro khilaafka u dhaxeeya.