Wakiilka QM Oo Gaaray kismaanyo

Wakiilka cusub ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaliya, Nicholas Haysom, ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Wakiilka ayaa hadda kulan la leh Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobey.

Wasiiro ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa Risaala u sheegay in kulanka looga hadlaayo Khilaafka dowladda Dhexe iyo maamul goboleedyadda.

Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda ayaa xoogeystay maalmihii lasoo dhaafay ka dib markii Madaxda maamul goboleedyadda ay ku dhawaaqeen in ay hakiyeen xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda dhexe.