Waqti kordhin Lagu Sameeyey Cunaqabataynta QM Ee Hubka Iyo Dhuxusha Somalia

15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM waxay u codeeyeen in muddo hal sano ah lagu kordhiyo Xayiraada Hubka iyo Ganacsiga Dhuxusha ee Somalia ilaa laga gaarayo 15-ka bisha November ee sanadka soo socda ee 2019-ka.

Goluhu waxay sheegeen inay Alshabaab dhaqaalo badan ka helaan Ganacsiga Dhuxusha, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale, Danjiraha Somalia u jooga xarunta QM, Ambassador Abuukar Cismaan waxa uu xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ugu baaqay inay go’aan ka gaaraan xadgudubka Dowladda Imaaraadka Carabta ku hayaan Xayiraadda Hubka ee saaran Somalia.

Danjiruhu waxa uu tilmaamay inay Imaaraadka hub geliyaan Somaliland iyo inay Saldhig Milliteri ka dhisanayaan magaalladda Berbera, taasi oo uu xusay inay xad-gudub ku tahay Madax-banaanida dhuleed ee Somalia.