Waqtiga Somalia laga cafinayo Deynta oo la shaaciyay

Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda federalka Soomaaliya Cabdiraxaan Ducaale Bayle oo maanta shir jar’id warbaahinta u qabtay ayaa waxa uu sheegay in 25-ka bishaan hay’adda lacagta aduunka ee IMF ka cafinayso dayntii ay Soomaaliya ku lahayd.

Waxa uu sheegay wasiirka in bangiga aduunka iyo bangiga hormarinta afrika ay Soomaaliya u cafiyeen inta badan lacagihii ay kulahaayeen balse ay hartay kaliya IMFta.

Waxa uu intaa kudaray in arimha deyn cafinta soomaaliya ay garab ku siiyeen dalalka ingiriiska , Norway iyo Talyaaniga oo bixiyay inta badan lacagihii lagu lahaa Soomaaliya .

Wasiir bayle oo hadalkiisa sii wata ayaa Waxa uu sheegay in aan soomaaliya hadda loo ogoleyn in ay qaadato deyn iyagana aysan qaadanayn wax dayn ah balse badalkeed ay helayaan lacago deeq ah .