Ehellada Marxuum Sheekh Xasan Diirshe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa afar bilood kadib ka hadlay dilka marxuumka ee isaga iyo Saciid Tahliil Maxamed loogu gaystay magaalada Dhuusamareeb.
Dilka loo gaystay labada marxuum ayaa salka ku hayay aano qabiil, waxaana si weyn uga xumaaday reer Dhuusamareeb, maadaama lagu dhex dilay caasimada Galmudug.
Xuseen Diirshe Cadde oo la dhashay marxuumka ayaa sheegay in aan weli lasoo qaban eedeysanaha, isaga oo arrintaas ku tilmaamay xadgudub wayn, maadaama laga gaabiyay.
Mid kamid wiilasha marxuum Sheekh Xasan Diirshe oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in eedeysanahaa uu dhex joogo magaalada, balse aan lasoo qaban, sida uu hadalka u dhigay.
Ugu dambeyn waxaa shirkan jaraa’id ka hadashay Muna Diirshe oo iyadana kamid ah ehelllada, taas oo farriin culus u diryay madaxweynaha dowladda Soomaaliya.