War murtiyeed laga soo saarat Shirkirkii Musharixiinta

Magaalada Muqdisho waxaa muddo lix maalin oo xiriir ah uu kulan uga socday musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo kulankooda uga hadlayay Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya & walaac ay ka qabaan Guddiyada doorashooyinka ee la Magacaabay.

Maalmihii uu kulanka socday ayaa waxaa ka qeyb-galay Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka, Urrurada Bulshada rayidka, Ganacsatada Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi, Cullimada Soomaaliyeed, Madaxda Warbaahinta, & Wakiilada Beesha Caalamka  waxaana munaasabad ka dhacday muqdisho Maanta laga soo saaray Warmurtiyeed ka kooban 18 qodob.

Madaxweyne Farmaajo ayay ku eedeeyeen in uu baal maray heshiiskii doorashada ay gaareen Madaxweynaha, Madaxda dowlad goboleedyada dalka kajira & Dowlad goboleedyada.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo uu Guddiyada doorashooynka kusoo daray Xubno ka tirsan Hay’adda NISA , Shaqaalaha dowladda iyo Xubno ka tirsan Hab maamuuska Madaxweynaha.

1: In la kala diro guddiyada doorashooyinka Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed laguna soo Magacaabo wadatashi ay yeesheen, Madaxda Dowladda, Dowlad goboleedyada iyo musharixiinta Madaxweynaha.

2: In Guddoomiyaha Aqalka Sare uu sharciyad buuxdo u helo in uu soo Magacaabo guddiyada doorashooyinka & xalinta khilaafaadka ee hagaya doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi  laguna qabto doorashada Xerada Ciidanka Cirka ee Afisooni, iyada oo  ay goobjoog ka noqonayaan Wakiilo ka socda musharixiinta, Beesha Caalamka, Booliska Soomaaliyeed & kan AMISOM.

3: In Magacaabista guddiyada Doorashada Xubnaha Xildhibannada Beelaha Baaadir loo madax banaaneeyo Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Beelahaas, laguna qabto doorashada Xerada Ciidamada Cira ee Afisooni, goobjoogna ka noqdaan  Wakiilo ka socda musharixiinta, Beesha Caalamka, Booliska Soomaaliyeed & kan AMISOM..

4: In Dowladda Federaalka ay si deg deg ah uga la soo laabato Maamulka Sharci darrada iyo Ciidamada ay geysay Gobolka  Gedo si loo ilaaliyo midnimada Jubbaland maamulkana dib ula wareego degaanka si ay ugu fududaato qabashada doorashada.

5: Xulista Ergada ay iska kaashadaan Odayasha Dhaqanka iyo Bulshada rayidka ee Beesha Kursiga leh dowrka dowlad Goboleedkana ku ekaado diiwaangelinta sida uu dhigayo heshiiskii siyaasadeed ee Golaha wadatashiga Qaranka ee uu baarlamaanka waxka bedelista ku sameeyay.