War-murtiyeedkii kasoo baxa Shirkii afar geesoodka ahaa oo ka dhacay Muqdisho oo ay yeesheen Soomaliya iyo Dalalka Dariska la ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey shir afar-geesood ah oo ay wada yeesheen Madaxweynaha Kenya William Ruto, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Shirkan ka dhacay magaalada Muqdishi ayaa ujeedkiisu ahaa sidii la isaga kaashan lahaa looguna midoobi lahaa dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab iyo sidii loo wiiqi lahaa awooddeeda gudaha Soomaaliya iyo gobolka.

War-murtiyeed shirka laga soo saaray ayaa lagu sheegay inay madaxda ay isla garowsadeen baahida loo qabo iskaashi sare loogu qaadayo garab is-taagga dalalka deriska ah ee la xiriira dagaalka ay Soomaaliya kula jirto Al-Shabaab.

Waxay sidoo kale madaxda isku raaceen in la sameeyo howlgal wadajir ah oo lagu qaadayo goobaha ay ku harsan yihiin Al-Shabaab si gebi ahaanba Soomaaliya oo dhan looga xoreeyo Al-Shabaab, loona fududeeyo dhimista ciidamada ATMIS iyo in si tartiib tartiib ah mas’uuliyadda amniga Soomaaliya loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliya.

War-murtiyeedka waxa uu u qornaay sidaan hoos ku qoron:-