WAR SAXAAFADEED

Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga oo hawlgalkii Jilib ku dhaawacay Horjooge Sare oo Khawaarijta ka tirsan.

Muqdisho, 23 May 2023: Mid ka mid ah Horjoogayaasha Khawaarijta ayaa lagu dhaawacay hawlgal wadajir ah oo ay fuliyeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah.

Horjoogaha la dhaawacay waxaa lagu magacaabaa Cusmaan Maxamed Cabdi, wuxuuna Khawaarijta u qaabilsan yahay arrimaha dibadda.

Hawlgalku waxa uu ka dhacay degmada Jilib oo Gobalka Jubbada Dhexe, waxaana lagu beegsaday Guri uu isku qarinayay.

Horjoogahaan waa denbiile mas’uul ka ah in uu dalka soo galiyo Khawaarijta ajaanibta ah, sidaas si la mid ah wuxuu fududeeyaa kala gudbinta fikradaha Khawaarijta.

Dawladda Soomaaliyeed waxa ka go’an in cadaaladda la marsiiyo danbiilayaasha Khawaarijta ah ee doortay in ay daadiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Beegsiga horjoogeyaasha Khawaarijtu waa fariin ku socota kooxaha Khawaarijta ah taas oo ah in aanay Soomaaliya ku heli doonin gabbaad ay ku dhuuntaan isla markaana si joogto ah ay u daba socdaan Ciidamada Amnigu si cadaaladda loo marsiiyo.

-Dhammaad-