Warar Dheeraad ah Oo Kasoo baxaya dagaal udhexeeya Ciidamada Dowlada iyo Al-Shabaab

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa dagaal u dhaxeeyay ciidanka dowladda federfaalka iyo ururka Al-shabaab oo ka dhacay meel dhawr KM ujirta degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalkan ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii xoogag hubeysan oo ka tirsan ururka Al-shabaab ay weerar ku ekeeyeen fariisin ciidanka dowladda ay lahaayeen, intaasi kadibna uu labada dhinac dhexmaray dagaal socday saacad iyo wax ka badan.

War Shabaabka ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay sheegteen in ay dagaal kula wareegeen degmada Qoryooley, kadib markii ay laba jiho ka weerareen degmada, waxayna Shabaabka tilmaameen in ay baxeen ciidankii ku sugnaa degmada.

Intaasi kadib ayaa waxaan la xiriirnay Gudoomiye kuxigeenka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose, wuxuuna sheegay inuusan jirin dagaal xoogan oo ka dhacay degmada, balse wuxuu tilmaamay in iska hor imaad yar uu ka dhacay banaanka magaalada.

Wuxuu sheegay Guddoomiye Cabdi Axmed Cali in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in Shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta degmada, hadana maamulka ay ku sugan yihiin xarunta degmada.

“Wax ka jira malahan, Idaacado badan ayaa saakay isoo wacay, meel magaalada banaankeeaah ayay xalay mar ka soo rideen rasaas, qof la dagaalantay malahan, magaalada dhexdeeda dagaal kama dhicin, annaga ayaa ku sugan xarunta degmada,” Ayuu yiri Guddoomiye kuxigeenka degmada Qoryooley.