Warar Dheeraad ah Oo Kasoo baxaya dagaal xalay ka dhacay Duleedka Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal xalay ka dhacay degaanka Ceelasha Biyaha ee ku yaalla Duleedka Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ay ku leeyihiin degaankaasi.

Dagaal socday mudo ka badan Afartan Daqiiqo ayaa xalay wuxuu halkaasi ku dhexmaray Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo ururka Al-shabaab.

Dadka degaanka oo Radiogalgaduud oo ay la xiriirtay si ay wax uga ogaato faah faahin la xirirta weerarkaasi ayaanan inoo sheegin wax khasaare ah, balse waxay tilmaameen in ay maqlayeen rasaas culus oo dhinacyadan ay isku adeegsanayeen.

Maamulka degaanka Ceelasha Biyaha oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan weerarkan, balse waxay tilmaameen in uu jiro dagaalka.