Warar dheeraad ah Oo Kasoobaxaya Dagaal ka dhacay Bakool

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo maanta ka dhacay degaano hoostaga degmada Tiyeeglow oo ka tirsan Gobolka Bakool.

Dagaalkan ayaa wuxuu u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan Millitariga Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed oo isku dhinac ah iyo ururka Al-shabaab, wuxuuna ka dambeeyay kadib markii Shabaab ay weerar jidgal ah u dhigeen Ciidamo ka tirsan Dowladda.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Abuukar Gacma oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in weerarka ay qaadeen Ciidanka Dowladda, balse aysan jirin wararka sheegaya in Ciidamada weerka lala eegtay.

 Sidoo kale Nuuradiin ayaa waxa uu inoo sheegay khasaaraha dhankooda soo gaaray inuu yahay mid kooban, maadaama markii horeba ay u diyaar garoobeen dagaalka, dhanka Shabaab ayuu sheegay in ay gaarsiiyeen khasaare kala duwan.

“Ma jiraan wararka ah in Ciidamada weerar lala eegtay, waxaan kuu xaqiijinayaa in Ciidamada Millitariga ay weerarka qaadeen, jab weyn ayaa lagu gaarsiiyay Shabaabka, dagaalka wuxuu ahaa mid qorsheysan.” Ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed.

Dadka degaanka ayaa inoo sheegay in ay maqlayeen Hubka culus ee la isku adeegsanayay dagaalka, waxaana dagaalka uu ahaa mid goos goos ah, oo dhar jeer la isku soo laabtay.

Degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool waxaa gacan ku heynteeda maamulaya ururka Al-shabaab, Ciidanka Dowladda ayaa marar badan isku dayay in ay Shabaab ka saaraan degmada, balse weli uma aanay suuragelin.