Warar dheerad ah Oo kasoo baxaya Qarax Gaari Oo Ka Dhacay Muqdisho

Qaraxaan ayaa saakay waxa uu ka dhacay agagaarka Xarunta Hay’adda Unicef ay ku leedahay degmada Waaberi,waxana la sheegay in uu ahaa mid gaari lagu xiray kadibna uu qarxay.

Dadka deegaanka qaarkood oo aan la hadalnay ayaa waxa ay warbaainta  sheegeen in gaariga oo ahaa nooca loo yaqaano PREMIO uu yaallay meel Wadada agteeda ah,isla markaana ay ciidamadu ka shakiyeen balse daqiiqado akdib uu qarxay.

Warar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in gaariga uu lahaa Shaqsi u Shaqeynayay dowaldda Soomaaliya balse aan weli la xaqiijin halka uu sida rasmiga uga shaqeynayay,isla markaana aan wax khasaaro ah kas oo gaarin qaraxaas.

ad ka agdhaw Xaafada Unicefta ayaa iyana waxa ay sheegeen in qaraxa ay ku dhaawacmeen laba ruux oo uu mid ka mid ah yahay taliye ku xigeenka Ciidanka Nabadsugida degmada Waaberi iyo qof kale oo Shacab ah.

Mudo daqiiqado ah ayaa waxaa xirnaa isu socodka dadka io Gaadiidka wallow markii dambe dib loo furay Wadada.

Maamulka degmada Waaberi weli wax faah faahin intaasi dheer ah kama biixn qaraxaas gaari ee saakay ka dhacay gudaha degmada Waaberi.