Warar Dheraad ah Oo Kasoo baxaya Dil Xalay Kadhacay Magaalada muqdisho

faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay kooxo ku hubeysnaa bustoolado ay Wiil dhalinyaro ah ugu geysteen Xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hurwaa ee Gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in Wiilka la dilay uu ka mid ahaa Wadayaasha Mooto bajaajta Magalada Muqdisho,isla markaana xilliga la tooganayay uu ku sugnaa busteejada gawaarida laga raaco ee Xaafada Suuqa Xoolaha.

Goobta dilka uu ka dhacay ayaa waxaa mudo hal Saac kadib ah gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda,iyaga oo sameeyey baaritaano in kastoo aysan weli Dad u soo qaban.

Ehelada darawalka mooto bajaajta ayaa yimid goobta, iyaga oo qaaday meydka Wiilkooda.

Weli Lama oga sababta loo dilay wiilkaas iyo cida ka dambeysa intaba.

Muqdisho ayaa degmooyinkeeda inta badan waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo badankood ay sheegtaan masuuliyadooda Al-Shabaab mana jirta cid gacanta ku dhigta dadka ka dambeeya dilalkaas.