Warar ku saabsan shirka ka socda magaalada Kismaayo

  1. Magaalada Kismaayo oo weli ay ku shirsan yihiin madaxda dowlad goboleedyada ayaa wararka laga helayo waxa ay sheegayaan in xalay madaxdan ay ka doodeen qodobada mudaanta la siinayo war-murtiyeedka ay ka soo saarayaan shirka uga socda magaalada Kismaayo.

Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa la sheegay inay soo jeediyeen in mudnaanta la siiyo sidii dowladda dhexe ay uga madax banaanaan laheyd doorashooyinka dowlad goboleedyada, maadaama labadan madaxweyne dhawaan ay geli doonaan doorashooyin.

Madaxweynayaasha kale ee kala ah Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa diirada saaray sidii wax badan looga qaban lahaa arrimaha ammaanka oo ay sheegeen in dowladda dhexe aysan ka soo bixin kaalintii looga baahnaa.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan xarunta uu shirka ka socdo in looga yeeray warbaahinta oo la sheegay in gelinka dambe ee maanta la soo gaba gabeeyo shirka, inkastoo jadwalka gaba gabeynta shirka uu ugu qoran yahay berri oo 7-da bisha September ku beegan.

Masuuliyiin ku dhaw dhaw shirka ayaa waxa ay Idaacadda Risaala u sheegeen in madaxda dowlad goboleedyada xalay ilaa shalay ay aad uga doodayeen hanaanka loo wajahayo dowladda dhexe oo ay tilmaameen inay culeys kala kulmayaan.