Wararkii U Dambeeyay Qaraxyo Ka Dhacay Magalada Muqdisho

Ilaa Saddex Qarax ayaa Galabta ka dhacay Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho,kuwaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxyada oo aha kuwo gaari loo adeegsaday ayaa ahaa kuwo is xigxigay,waxaana ay ka dhaceen laamiga u dhaxeeya Xarunta Dambi-baarista ee CID-da iyo Hotelka Saxafi ee Magalada Muqdisho.

Waxaa Sawirro laga soo qaaday Goobta qaraxa la arkayay burbur xooggan oo soo gaaray Hotelka Saxafi oo dad tegay ay warbaahinta u sheegeen in darbiga Hotelka lagu dhuftay Gaari qarax siday.