Wararkii ugu dambeeyay 5 ruux oo lagu dilay Shabeellaha Dhexe

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Shabellaha dhexe, Shan ruux oo la socotay gaari noociisa uu yahay Caasi, ayaa lagu dilay duleedka Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Dadkaan ayaa waxa ay marayeen xilliga la rasaaseynaayay deegaanka Boos Dacaar oo duleedka Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabellaha dhexe, waxaana maydkooda la geeyay Degmada Cadale ee isla Gobolka.

Maleeshiyo hubaysan oo aan la garaneyn, ayaa dadkaan dilay, waana ay baxsadeen markii ay rasaas la dhaceen dadkaasi, sida ay sheegeen Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka.

Shanta ruux ee la dilay, ayaa la sheegay in Afar ka mid yihiin ilmo adeero, halka ruuxa kalena uu ahaa qof rakaab ah oo saarnaa gaariga caasiga ah.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa tagay goobta ay wax ka dhaceen, waxaana la arkayay gaariga caasiga oo ay ka muuqato rasaas badan.

Burcadda dhaca u gaysata gaadiidka rayidka ay saaran yihiin, ayaa ku badan Gobolka Shabellaha dhexe.