Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay degaanka daaru-nicma iyo faah faahin laga helay

Waaberigii hore ee saaka ayaa dagaal xoogan waxaa uu ka dhacay deganka daaru-nicma oo hoostaga degmada Rinol-good ee Gobolka Shabeellaha dhexe Ciidamada katirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo Xubno kamid ah Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii sida la sheegay ay degaanka weerar ku qaadeen Xubno katirsan Al-Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooganaa oo socday ku dhawaad saacad sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

 

 

Al-Shabaab oo ka hadlay dagaalka ayaa waxaa ay sheegteen inay la wareegeen degaanka daaru-nicma, isla markaana ay burburiyeen saldhigyada Ciidamada dowladda ee degaankaas.

Wararka madaxa bannaan ee la helayo ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda dagaal ka dhacay degaanka Daaru-nimca kadib ay isaga baxeen, iyaga oo aadan dhinaca degaanka Al-Kowhar, waxaana weli weerarkaas ka hadlin taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Degaanka Daaru-nicma oo hoostaga degmada Runil-good ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxaa uu kamid yahay degaannadii ugu dambeeyay oo ay Ciidamada dowladda kala wareegeen Ururka Al-Shabaab oo muddo tobanaan sano ah gacanta ku haayay.