Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada golaha Shacabka iyo tirada xildhibaanada la doortay

Doorashada xildhibaanada golaha Shacabka ayaa ka socota qaar ka mid ah caasimadda maamul gobooleedyadda, iyadoona sidoo kale Koonfur Galbeed noqotay maamulkii ugu horreeyay ee soo afjara doorashada deegaanka doorashada labaad ee Baraawe.

 

Sidoo kale gobolada Waqooyi oo doorashadoodu ka socoto Muqdisho ayaa dhamaad ku dhow halka lagu waddo in doorashada Banaadiriga la doorto maalinta isniinta ah.