Wararkii ugu dambeeyay howlgalka ka socda Hoteel Xayaat

Waxaa dhammaan Hotelka laga soo saaray ciidamadii dowladda, waxaana la go’aamiyay in Hotelka lagu duqeeyo ragga wali ku jira.

 

Qaraxyo xooggan ayaa hadda laga maqlaya gudaha, waxaana halkaasi ku sugan saraakiil ciidan.

 

 

Labo ruux oo kaliyah ayaa la sheegay in ay hadda ka dagaallamayaan gudaha hoteelka.

 

Howlgalkaan ayaa ciidanka dowladda ku qaatay saacado badan, waxaana ay sheegeen in sida ugu dhaqsiyaha badan lasoo afjari doono.

 

In ka badan 20 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen howlgalka, waxaana ku dhaawacmay dad ka badan 100 ruux.