Wararkii ugu dambeeyay wadahadalka Itoobiya iyo ONL

Nairobi-GNNFM– Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa maalmahanba ka socday wada hadal u dhaxeeyay dowladda Itoobiya iyo sidoo kale jabhadda ONLF.

Wada hadalkaan ayaa lagu doonayay in lagu dhammeeyo khilaafka mudada soo socday ee labada dhinac ka dhaxeeya.

Shirkaan ayaa waxaa isugu yimid xubno ka tirsan ONLF, Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya Maxamed Cabdi Cumar, Saraakiil ka socota Dowladda Itoobiya iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda Kenya.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno magaalada Nairobi ayaa waxa ay sheegayaan in wadahadalka uu saameeyay xiisadaha siyaasadeed ee ka bilwoday dalka Itoobiya iyo waliba Is casilaada Ra’iisul Wasaarahii dalka Itoobiya.

Waxaa la sheegay inuu fashilmay wada hadalkii labada dhinac, xubnihii Itoobiya uga qeyb galayay shirkaasi ayaa dib ugu laabtay dalkooda, oo ay rabshado ka socdaan.

Afhayeenka Ururka ONLF C/qaadir Xasan Hirmooge oo la hadlay warfidiyeenka ayaa sheegay inuu hakad galay shirka, dhankoodana ay fursad u arkaan in xilligan Itoobiya ay ka bilowdaan rabshado.

“Wufuuda Itoobiya ka socotay qaarkood way baxeen, qaarkoodna way joogaan, wadankana rabshado ayaa ka bilowday, Ra’iisul Wasaarihii wuu is casilay, anaga fursad ayay inoo tahay rabshadahan.” Ayuu yiri Afhayeenka Ururka ONLF.

ONLF oo ah jabhad hubaysan ayaa waxa ay u dagaalamaan xuriyada deganada Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya, waxaana ka xiran maxaabiis badan oo jabhadaasi ka tirsan.