Wararkii ugu danbeeyay ee Dagaalka ka socda Dhusomareeb.

Dagaalka u dhaxeeya Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Ahlusunna ee ka socda Dhusomareeb ayaa sii xoogeystay, waxaana labadda dhinac isku isku adeegsanayaan hub culus, waxaana goobo badan oo magaaladda kuso dhacaya Hoobiyaal ay adeegsanayaan labadda dhinac, waxaa jira Rasaas wiifto oo ku dhaceysa Xaafadda ka fog meesha Dagaku ka socdo.

Dagaalka xoogiisa ayaa ka soco masaafo isku dhow oo ah Xarunta Inji, Xero Gaadiid ilaa isbitaalka weyn Gobolka.

Dagaalkan oo sababay Qasaaro Dhimasho iyo Dhaawac ayaa ilaa hadda xog rasmi ah laga hellin tirada rasmigaa ee wax ku noqday madaama wali uu Dagaalku socdo.

Wixii kusoo kordha Xaaladda Dhusomareeb ka dhageyso, sidoo kale ka daalwaco Websitekeena Radiogalgaduud.com, waxa sidoo kale naga daalacan  kartaan baraheena Bulshadda Radio Galgaduud iyo Galgaduud Tv.