Warbaahinta Galgaduud oo u dabaaldageysa Sanad guuradii 12-aad ee kasoo wareegatay markii la aas-aasay.

Maanta oo kale 3-SEP 2011 waa maalintii dhidibada loo taagay Warbaahinta Radio Galgaduud Maamulka iyo shaqaalaha Warbaahinta Radio Galgaduud ayaa u dabaaldagaya sanadguurada 12-aad.
Radio Galgaduud ayaa ka howlgasha Degmooyinka Caasimada Dhusamareeb, Demada Guriceel ,Degmada Matabaan iyo Deegaanada hoos yimaada ee ka tirsan Gobolada Galagduud iyo Hiiraan ee Maamulada Galmudug iyo Hirshabeele, isla markaasina ka dhageysta Wararka iyo Barnaamijyo kusaleysan Xaqiiqda, Warbaahinta Galgaduud ayaa adeegyada ay u hayso Bulshada ku xiran ee Dhageysta ama Daawada ugu gudbisaa qeybta Radio, Muuqbaahiyaasha ay ku leedahay Baraha Bulshada sida Facebook, Youtube, Instagram iyo Mareegteeda Radiogalgaduud.com.
Agaasimaha guud ee Warbaahinta Galgadduud Abdiqaadir Guure Barre ayaa uga mahad celiyay dhammaan howl-wadeenada iyo Wariyaasha hada shaqeeya ama horey uga soo shaqeeyey Idaacada kuwaasi oo usoo dhabar adeegay muddadii ay shaqeyneysay, in ay heekaan soo gaartayna sabab u ahaay, asaga oo ku booriyey in howshooda ay si labo jibaaraan.