Warbixin Gaar ah: Duqeyntii Maraykanka ee Xarumaha Nukliyeerka Iran oo Kicisay Xiisad Caalami ah

Madaxweynaha Mareykanka, Donald J. Trump, ayaa sheegay in uu si buuxda u dhammeystiray weerarro milatari oo lagu beegsaday saddex xarumood oo nukliyeer ah oo muhiim ah oo ku yaal Iran: Fordow, Natanz, iyo Isfahan.

“Waxaan si buuxda u dhammeystirnay weerar aad u guuleystay… dhammaan diyaaradaha si nabad ah bay ugu soo laabanayaan dalkooda… Ma jiro ciidan kale oo dunida ka jira oo qaban lahaa hawlgal sidan oo kale u weyn,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.

Dhanka kale Warbaahinta dadweynaha ee Israel, Kan, ayaa soo xigatay sarkaal sare oo Israa’iili ah oo aan magaciisa la shaacin, isagoo xaqiijiyay in weerarrada lagu qaaday Iran ay ku dhaceen isku-duwid buuxda oo u dhaxeysay Israel iyo Mareykanka.

Sida laga soo xigtay sarkaalka:“Weerarku wuxuu ahaa mid si qoto dheer loo qorsheeyay, labada dhinacna si buuxda ayay u wada socdeen.”

Arrintan waxay sare u qaaday cabsi laga qabo in dagaalka uu noqdo mid baahda oo saameeya dalalka deriska la ah Iran iyo saldhigyada Mareykanka ee gobolka.

Iran oo Ka Jawaabtay: “Waa Xadgudub Caalami ah”

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa si adag uga falceliyay weerarka, isagoo ku eedeeyay Mareykanka inuu jebiyay xeerar caalami ah oo ay kamid yihiin:

  • Axdiga Qaramada Midoobay
  • Sharciga caalamiga ah
  • Heshiiska NPT (Non-Proliferation Treaty)

“Dhacdooyinkii saaka waxay ahaayeen kuwo naxdin leh, waxayna yeelan doonaan cawaaqib waara,” ayuu yiri Araghchi.
“Iran waxay xaq buuxa u leedahay inay isdifaacdo, ilaalisana danaha dadkeeda iyo madaxbannaanideeda.”

Iran: Fordow Hore Ayaa Loo Daadgureeyay, Waxyeello Aan Laga Soo Kaban Karin Ma Gaadhin

War rasmi ah oo kasoo baxay maamulka dowladda Iran ayaa lagu sheegay in xarunta muhiimka ah ee Fordow horey loo daadgureeyay, islamarkaana aysan jirin waxyeello aan laga soo kaban karin.

Mahdi Mohammadi, la-taliye u ah Afhayeenka Baarlamaanka Iran, ayaa sheegay:

“Goobta horey ayaa loo daadgureeyay, mana jirto wax khatar ah oo ka dhalan karta sun kiimiko ah ama shucaac nukliyeer.”

Wuxuu intaas ku daray:“Laba arrimood ayaa hubaal ah: Tan koowaad, aqoonta lama duqeeyo. Tan labaad, ciyaaryahanka hunguriga badan waa guul-darreysan doonaa markan.”

Dareenka Caalamka iyo Cawaaqibka La Filayo

Dhacdooyinkan lama filaanka ah ayaa si degdeg ah u kiciyay walaac caalami ah, iyadoo laga baqayo in xaaladda gobolka ay isu beddesho dagaal ballaaran oo jihooyin badan leh. Waxaa durba laga cabsi qabaa in saldhigyada Mareykanka ee ku yaal Bariga Dhexe, gaar ahaan kuwa ku yaal Kuwait, Qatar, Saudi Arabia, iyo Bahrain, ay noqdaan bartilmaameedyo mustaqbalka dhow ah.

Sidoo kale, Fifth Fleet ee saldhiggeedu yahay Bahrain iyo Carl Vinson Strike Group ee ku sugan Badda Carabta ayaa haatan heegan buuxa galay.

Gunaanad: Dagaal Halis ah Mise Diblomaasiyad?

Iyadoo hoggaamiyeyaasha caalamku ay weli ka aamusan yihiin falka, xiisadda u dhaxeysa Iran iyo Maraykanka — ayadoo ay si toos ah ula safan tahay Israel — waxay u muuqataa mid halis ugu jirta in ay isu beddesho dagaal ballaaran oo gobolka oo dhan gilgila.

Waxa ay sugnaatay hadda waa tallaabada xigta ee Iran — diblomaasiyad mise is-difaac militari oo toos ah?