WARBIXIN: Lionel Messi Oo U Xanaaqsan Ciyaaryahan Ka Tirsan Barcelona Waxa Uuna Dalbaday In Laga Eryo Kooxda

Lionel Messi waxa uu doonaya in Paulinho laga diro kooxda, sidaas waxaa qaba warar Spain laga helayo.

Tiro cayaaryahanno ah ayaa ka tegi kara Barcelona dhammaadka xilliciyaareedkan.

Mustaqbalka Samuel Umtiti    mugdi ayaa ku jira maadama uusan wali ogolaan heshiis kordhin cusub waxaana lagu jabin karaa qandaraaskiisa aduun dhan £52million.

Waayaha Camp Nou ee Andre Gomes waxa uu ahaa mid masiibo ah ilaa iyo markii uu yimi waxaana la qabaa in uu tegi doono.

Laakiin, Messi, Don Balon waxa ay sheegtay in Paulinho yahay kan aadka uga xanaajiyey.

Warbixinta waxa ay qisheysaa in Messi doonayo in la eryo Paulinho oo uu sheegay in qaab cayaareedkiisa xumaaday waqtigii xilli cayaareedka ugu muhiimsanaa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Messi rabo bixitaanka Gomes lakiin waxaa sii niyad jabiyey bandhig xumada Paulinho oo hoos uga dhacay sidii uu ku bilaabay curashadii xilli cayaareedkan.

Barcelona iyada waxa ay hadda rejeyneysaa in ay isku darsato La Liga iyo Copa del Ray kaddib markii ay ku hungowday Champions League.

Kaddib markii ay hareen, halyeyga Liverpool John Barnes waxa uu sheegay in eedda leeyahay Lionel Messi.

Waxa uu yiri: “Dhibaatada Barcelona waa marka aad haysato ciyaaryahan sida Messi saameyn weyn leh, haddii uusan bandhig wanaagsan sameyn kuwa kale ma muujiyaan qiimohooda.

“La yaabi mayo haddii uu Messi cayaarin kaddib waxaad arkeysaa ciyaaryahanada kale oo eedda xambaaraya.

“Marka uu cayaarayo isaga ayaa saameynta yeelanaya.

“Laakiin marka uusan bandhig la imaan ciyaaryahanada inta kale, kuwa wanaagsan, bandhig ma sameeyaan.”