WARBIXIN: Manchester City Oo Qarka U Saaran Iney Gacanta Kusoo Dhigto Riyad Mahrez & Faah-Faahin Laga Bixiyay Arintiisa.

Manchester City ayaa ku dhawaaneysa iney dhameystirto saxiixa xiddiga reer Algeria Riyad Mahrez sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya England iyadoo Guardiola uu doonayo inuu xoojiyo kooxdiisii ku guuleysatay Premier League iyo League Cup.

Pep Guardiola ayaa doonaya inuu suuqa si fiican mar kale u galo isla markaana uu kooxdiisa ka xoojiyo boosaska ay ka dabacsan tahay isagoo doonaya inuu keeno Riyad Mahrez oo culeys badan saari doona Leroy Sane Iyo Raheem Sterling.

Agaasimaha kubadda cagta Manchester City Txiki Begiristain ayaa qarka u saaran inuu dhameeyo heshiiska Riyad Mahrez isagoo kala xaajoonaya wax walba kooxda Foxes, walow warbixinada ay sheegayaan inaan arrimaha lacagta wali la isla mel dhigin.

27-jirkaan waxaa la rajeynayay inuu January kusoo biiri Citizens taasna waxey siin kartay horyaalkiisii labaad ee Premier League balse maamulka Foxes ayaa ka biyo diiday dhawr warqad oo uu ku codsanayo in la iibiyo.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Citizens loo maleynayo iney xidigaan ku qaadan karto aduun dhan 75 Malyan oo Pound taasoo ka dhigi doonta mid ka mid ah xididgaha ugu qaalisan ee ay soo iibsadaan kooxaha Premier League.

Paul Pogba ayaa haatan heysta rikoorkaas kaas oo xagaagii 2016 ku yimid Manchester United aduun dhan 89 Malyan oo Pound.